https://onechelseasomfans.blogspot.com/ Skip to main content

Posts

Faalo Cusub

Maxaa laga filayaa Chelsea kulanka maanta ?

  Chelsea ayaa galabta xiliga casir liiqa marti soori doonto kooxda Dawacoowyinka kulan ka tirsan horyaalka. Blues oo si gaabis ah ku furatay fasal ciyaareedka, iyadoo 3 da natiijo kala duwan ka heshay 3 dii ciyaar ee ugu horeysay xili ciyaareedkan ayaa soo dhaweyn doonto dhigeeda Foxes oo iyaguna dhankooda si liidnaasho ah ku bilowday. Waloow uu soo laabtay Kova hadana waxaa wili maqan Kante taasoo ka dhigan in Blues qadkeeda dhexe uu wili fadhin fasalkaan. Sidoo kale macalin Tuchel iyo daafaca Koulibaly ayaa ganaaxyo kala duwan kuwada seegi doono kulankaan iyadoo uusan Tuchel soo istaagi doonan halka uu tababaraha ka maamulo ciyaarta. Hadaba markii la arkay 3 natiijo ee kala duwamaa iyo bandhigyadii ay sameysay kooxda waxaa suaal leyska weydiinayaa habka ay maanta ula tacaamuli karto dawacooyinka. Maxaa laga filayaa Chelsea kulanka maanta ? Jawaab 2 wiji leh ayaana u haayaa suaashan waxeyna noqonayaan sidaan hoose 1- Waxaa laga filayaa Guul Waa hadii ay kooxda u c...
Recent posts

Faalo - Maxaa sabab u ah biloowashada xun ee kooxda ?

  Sida aan dhamaanteen dareemi karno, Chelsea si wamaagsan kuma bilaaban xili ciyaareedkan, tiro 4 dhibcood ah ayeyna ka aruusatay 3 kulan oo ay ciyaartay horyaalka, taasoo ka hooseysa xitaa kala barka dhibcihii ay hel kartay oo ah 9 dhibcood. Saadaasha inta badi dadka falanqeeyo kubada iyo habka ay kooxda ku bilaabatay ayaa haatan u muuqanaya kuwa is waafaqsan, taasna waxey abuuri kartaa cabsi ku saleesan in ay kooxda halis u gasho usoo bixitaanka 4-ta sare. Waloow wili uu furan yahay suuqa kala iibsiga kooxduna ay sameyn karto isbadalo fara badan, sidoo kalana ay xal u raadsan karto boosaska ay dhibaatooyinka ka heystaan ee weerarka, hal buurka dhaxda iyo xoojinta difaacaba ah. Hadaba waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinayaa tiro 3 waxyaabood ah taasoo aan isleeyahay waa caqabada ugu badan ee keentay bilowga xun iyo ififaalada liidataba. 👇 1- Tuchel iyo Qaab Ciyaareedkiisa. Ma dhaliilayo Tuchel macalin ahaan iyo Tatico ahaanba balse dhaliisha aan u haayo ee hoos u dhaca ku ...